Saadaasha guusha taariikhiga ah ee Erdogan 28-ka May 2023

ANKARA

Inkasoo doorashada Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay caalamka laba jiho ukala qaadeen inta badan waloow ay jiraan kuwa muujinayay inay dhexdhexaad ka yihiin, hadana waxaa la aaminsan yahay in reer galbeedku aanay ku qanacsanayn soo noqoshada Erdogan kadib markii ay kadhex arki waayeen danahooda gaarka ah.

Balse inta badan shucuubta islaamka iyo turkida wax-ku oolka ah ee aan faragelin ku jrin ayaa xoog u taageersan inuu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu markal soo noqdo si uu usii wado iska caabinta reer galbeedka.

Erdogan ayaa helay doorashadii udambaysay in ka badan 27 milyan oo cod oo u dhiganta 49.51% codadkii la dhiibtay, waxaana uu musharraxa kusoo xiga ee Kemal Kilicdaroglu uu ka sarreeyaa 2.5 milyan oo cod.

Wuxuu Erdogan sheegay ku guuleysiga aqlibayadda Baarlamaanka ee xisbigiisu ay u xaqiijisay in shacbiga Turkigu uu ku kalsoon yahay, isla markaana ay  mustaqbalkooda ka arkeen isaga iyo xisbigiisa, wuxuuna aaminsan yahay in doorashada 28-ka May dhici doonta inuu u quus goyn doono kuwa isaga ka soo horjeeda.

Hadaba adiga daawadaha ah maxay kula tahay?

(@ Eng. Saleebaan C. Jaamac)



Post a Comment

1 Comments